Deeq A. Posted July 24, 2019 Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid C/laahi Dani, ayaa si kulul u eedeeyey dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in ay ka gacan bidixeysay Puntland. Wuxuu sheegay in dowladda ay si cad u diidday mashaariic badan oo horumarineed oo laga fulin lahaa deegaannada uu maamulka Puntland ka arrimiyo. Dani ayaa tilmaamay in dowladda federaalka, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha uu diidday dhagax dhigga dekadda Garacad iyo sidoo kale qoraal la xiriiray dekaddaasi si maalgashadayaasha loogu soo jeediyo. Waxaa kale oo Dani uu sheegay in dowladda federaalka ay diidday mashruuc lagu ballaarin lahaa dekadda magaalada Boosaaso. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/cod-1-madaxweyne-Dani.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites