Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo ku baaqday in laga wada shaqeeyo amniga

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Dalka ayaa waxa uu ku baaqay in laga wada shaqeeyo ammaanka iyo horumarka dalka.

Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] oo Baydhabo ka furay shir ku saabsan arrimaha bini’aadanimada ayaa warkan ka dhawaajiyay.

Mr Khadar ayaa intaasi raaciyey in ay muhiim tahay in laysku wado xal u helida xaaladaha bini’aadanimada iyo sidii looga kaaftoomi lahaa kaalmo dibadda ah.

“Waa in ayno ka shaqeynaa sidii aan isugu tashan lahayn, una soo saari karnaa kheyraadkeena una keydsan karnaa,” ayuu raaciyey Mahdi.

Wuxuu intaasi raaciyey: “Waa in ay ka gudubnaa in qeyb yar oo gacanta laga bixiyo mar walba, oo aan isugu tashan lahayn, tan muhiimka ah taasi weye”.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this