Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo baaritaan ku samaynaysa dilkii Paul Anthony Farmosa

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) –War-saxaafadeed xalay ka soo baxay madaxtooyada maamulka Puntland ayaa mar kale waxaa ay ku celisay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo eedaymo ku qoran maqaal 22-July lagu daabacay wargeyska New York Times oo dowladda Qatar la xiriiriyay qarax 11-May ee sannadkan ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda derejada kowaad ee magaalada Boosaaso.

Qoraalka oo aad u dheeraa ayaa Maamulka Puntland  waxaa uu Golayaasha Fulinta iyo Xeer-dejinta dowladda Federaalka Soomaaliya  ka dalbaday in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedaymaha ku qoran maqaalka lagu daabacay New York Times ee dalka Qatar la xiriirinaya qaraxa 11-May ee sannadkan ka dhacay magaalada Boosaaso.

Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada ka soo baxday baaritaan ay ku samaysay weeraradii u dambeeyay ee argagixisadu ku fulisay magaalada Boosaaso gaar ahaanna dilkii madaxii shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa.

Halkaan ka daawo Xildhibaanno iyo wasiiro hotelkii ay degenaayeen looga saaray amar Al-Shabaab

HAAH.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this