Deeq A. Posted July 24, 2019 Roma (SMN) – Taliyaha ciidanka xooga Dalka, Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku sugan Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga. Wafdiga ayaa ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta ugu sareysa Ciidammada Dalka Talyaaniga ee qaaraadda Yurub. Indhaqarshe ayaa Madaxda Ciidamada Dalka Talyaaniga kala hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Talyaaniga. Sidoo kale waxay isla soo qaadeen sidii sare loogu qaadi lahaa tabarada ay Talyaaniga siiyaan ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites