Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalo siyaabo kala duwan uga dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya dagaalo siyaabo kala duwan uga dhacay qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose.

Iska hor-imaadka koowaad ayaa ka dhacay degaanka Ceel-jaale oo dhaca duleedka Marka, gaar ahaan goob lagu tababarayey ciidamada Koonfur Galbeed.

Isku dhacaasi oo mudo socday ayaa yimid markii ay weerar ku qaadeen dagaalameyaal ka tirsan xoogaga Al-Shabaab.

Dhanka kale, tuuladda Ceel-saniini ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu waramayaa in uu ka dhacay dagaal kale oo kharaar.

Is-rasaaseyntaasi oo yimid markii ay Al-Shabaab weerartay fariisin ay leeyihiin ciidamada dowladda ayaa laysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Geesta kale, dagaal kale ayaa isna ka dhacay degaanka Siinka Dheer ee duleedka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Khasaaraga dagaaladan ayaa nan la ogayn, maadaama ay dhamaantooda dhaceen xili habeen ah, lamana xaqiijin karo waxyeeladda.

Ma jiro sidoo kale wax war ah oo ay Al-Shabaab kasoo saartay dagaalkan, oo ay uga hadleyso khasaaraha dhankooda iyo midka ciidanka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this