Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada Imtixaanka dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay natiijada imtixaanaadkii shahaadiga ahaa dowladda.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo xalay shaaciyay natiijada imtixaanka ayaa akhriyey war-saxaafadeed ay ku qoran yihiin tirada gudubtay imtixaanka, tirada dhacday iyo 10-ka qof ee kaalinta koowaad ka gashay sannadkaan.

Mudane Cabdullaahi Googax Barre ayaa sheegay in ardayda 10-ka ah ee kaalinta koowaad u gudubtay ay dowladda Soomaaliya siin doonto deeq waxbarasho oo lacag la’aan ah dalka iyo dibedda meesha ay doonaan sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in wasaaraddu ay sameysay Website ay ardaydu si fudud uga heli karaan imtixaanka gaar ahaan arday walba natiijadiisa isagoo gelin doona website-ka www.soneb.gov.so.

Halkan hoose ka daawo wasiirka oo faahfaahinaya natiijada

PUNTLAND POST

The post Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada Imtixaanka dowladda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this