Sign in to follow this  
Deeq A.

SOMALILAND oo xabsiga u taxaabtay xildhibaanno ay horey ugu hanjabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Gabiley (Caasimada Online) ― Wararka naga soo gaaraya magaalada Gabiley ayaa sheegaya in Xukuumada Muuse Biixi ay xabisga dhigeen xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka Gabiley.

Ciidamada Booliska ayaa xabsiga u taxaabay afar xildhibaano oo ka tirsanaa golahaasi, kuwaasi isla markiiba loo wareejiyey magaalada Hargeysa.

Xildhibaanada ka tirsan golaha deegaanka Gabiley ayaa hadda ku xiran xarunta dambi baarista ee Hargeysa, halkaasi oo sida la sheegayo lagu baari doono kiiska xukuumadu u haysato.

Wararka aan helayn ayaa waxay sheegayaan in xildhibaanada loo xiray inay ka dambeeyen oo ay abaabulayeen mooshino ka dhan ah maayarka Gabiley, kaasi oo ay rabeen inay xilka kaga tuuran.

Warar kale ayaa sidoo kale waxay sheegayan in xildhibaanada lala xiriirinayo inay ka dambeeyen shaqsi ay wareysatay idaacada BBC-da oo sheegtay inuu yahay maayirka magaalada Gabiley.

Xarigan xildhibaanada ayaa waxa uu ku soo aadaya xili muran baahsan uu ka jiro golaha deegaanka Gabiley, kaasi oo sababay in golahu uu yeesho labo maayir.

Dhinaca kalena, Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa isagu shalay soo saaray wareegto uu ku mabnuucayo in fadhiyo aan caadi aheyn yeeshan Goleyaasha deegaannada Somaliland, isagoona sheegay in xildhibaannada goleyaasha deegaanka qaarkood ay si khaldan oo fawdo ah u abaabulayaan Mooshino ka dhana Maayarada.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this