Deeq A. Posted July 24, 2019 Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa wacad ku maray in dalkiisa uu ka aargudan doono Mareykanka haddii uu Ankara cunaqabateyn u saaro soo iibsashadeeda habka difaaca gantaalaha Ruushka ee S-400. “Haddii Mareykanka uu lasoo baxo mowqif cadowtooyo ah oo nagu wajahan, waxaan qaadi doonnaa tallaabooyin aargudasho, sida aan horey u sheegnay. Tani ma ahan hanjabaad ama cayaar cayaar” ayuu yiri Mevlut Cavusoglu. “Ma nihin dal madax u raaricin doona kuwa noo muujiya cadaawad ka dhan ah Turkiga” ayuu yiri wasiirka, oo sheegay in Turkiga aysan marnaba raali ka noqon doonin in loo sheego wixii ay sameyn lahayd. Wasiir Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in si kastaba uu rajeynayo in maamulka Mareykanka uusan qaadin tallaabo noocaas ah. Maamulka Mareykanka ayaa horey ugu hanjabay inuu Turkiga ka saari doono ka qeyb-galka barnaamijka diyaaradaha dagaalka ee F-35, haddii ay soo iibsadaan barnaamijka S-400. Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in Turkey ay baahideeda difaac ka buuxin doonto meelpo kale, haddii Washington aysan siin jiilka shanaad ee diyaaradahan casriga ah ee dagaalka oo ah F-35. Caasimada Online Xafiiska Istanbul caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites