Deeq A. Posted July 23, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay warbixin lagu daabacay wargeyska The New York Times oo dowladda Qatar la xiriirisay qarax ka dhacay Boosaaso oo ka dhan ahaa Imaaraadka Carabta. Sida lagu sheegay warbixinta New York Times, cod uu helay wargeyska oo ah wada-sheekeysi taleefon, ayaa waxaa laga maqlay, Khalifa Kayed al-Muhanadi oo safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem ku dhahaya “waan ognahay cidda ka dambeysay qaraxyada iyo dilalka.” Al-Muhanadi ayaa sheegay in qaraxyada loo fuliyey “si loogu qasbso Imaaraadka Carabta inay ka cararaan Boosaaso.” Cawad oo wareysi siiyey VOA, ayaa sheegay in dowladda Qatar ay la wadaagtay bayaan ay soo saartay oo ay ku beenineyso inay ku lug leedahay qaraxa iyo dhammaan wax kasta oo ka dhan nabad-galyada Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ku qanacday sharaxaadda ay dowladda Qatar ka bixisay arrintan. Waxa uu sidoo kale sheegay in safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem uu u yimid wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya lana hadlay isaga oo beeniyey inuusan taleefon kula hadlay ganacsade Khalifa Kayed al-Muhanadi, kana sheekeysteen qarax ka dhacay Soomaaliya. Cawad ayaa meesha ka saaray in arrintan baaritaan lagu sameeyo, sida uu dalbaday madaxweynaha Puntland, wuxuuna ku adkeystay in sharxaadda ay bixisay dowladda Qatar ay ku filnaatay Soomaaliya kuna qanacday. Hoos ka dhageyso codka Cawad https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Cawad-VOA.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites