Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Xeerka guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddiga-1.jpg?w=1000&ssl=1Guddiga arrimaha Bulshada oo ka warbixinaya xeerka

Mudanayaasha Baarlamanka dowladda Puntland, ayaa maanta ansixiyay xeerka guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland, kadib markii ay nidaamin iyo wax ka beddel ku sameeyeen qodoba ku jira xeerkaasi.

Golaha wakiilada, ayaa ka hor inta aysan ansixin xeerkan, waxay warbixin ka dhegaysteen guddiga arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka ee Baarlamanka, oo sharraxaad ka bixiyay qodoba ay dib u-eegista ku sameeyeen ee ku jira xeerka.

Kadib warbixinta guddiga ayaa mudanayaasha fadhiga soo xaadiray oo ka koobnaa 37 xubnood, waxay dood dheer ka yeesheen xeerka, iyadoo ay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen, kadib markii 32 mudane u codaysay, halka 4 xubnood ay diideen, xildhibaan kalena ka aamusay.

Halkan hoose ka daawo muuqaal dhammaystiran

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo ansixiyay Xeerka guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this