Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninka sheegtay xildhibaan reer Sweden ah ee lagu soo dhaweeyay Borama waa waxba kama jiraan

Recommended Posts

Deeq A.   
0_IMG-20190723-WA0007-273x300.jpg

Abdicasiis Diiriye Dahir Oo Shalay Lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa sheegtayna inuu yahay xildhibaan lagasoo doortay deegaanka Hylte ayaa laxaqiijiyay inay been tahay waxbana kajirin kadib markii dad deegaankaasi kunooli ka yaabeen sheegashadiisa. Kana waayeen magacaciisa sheegeen inuu isasoo sharaxay balse cidba u codayn kana mid ahayn golaha deegaankaasi. Fariin aanu u dirnay degmada uu sheeganayo Ee Hylte ayaa maamulkaasi laf ahaantiisa ku cadeeyeen inuu ka mid ahayn golaha deegaankaasi sheegashadiisuna been cad tahay. Cabdicasiis Dahir waxaa baraha bulshada loogu sheegay inuuna bilaabin wax kala dhex dhigaaya shiki iyo kala aaminaad ku abuura shacabka somliland iyo qurbajoogta waxaan loogu baaqay inay tahay dambi in qofku darajo uu gaadhin ka sheegto dhul uu isleeyahay lagu a zoo baadhi karo. Cabdicasiis Diiriye maaha xildhibaan warbaahintana ha usoo bandhigo goorta la doortay. Hoos ka akhriso maamulka golaha deegaanka uu sheegay Ee Hylte iyo dadka kusoo baxay doorashada.

Xalkan ka eeg magacyada golaha deegaanka ee degmada uu sheegtay
HALKAN GUJI SI AAD U AKHRISATID

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this