Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo dowladda Qatar ku eedeeyay qaraxyada ka dhaca magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo soo xiganaya warbixin lagu daabacay wargeyska New York Times ee ka soo baxa waddanka Maraykanka, ayaa Golayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan, eedaymo ku xusan warbixintaasi oo sheegaya in dalka Qatar uu ku lug’lahaa qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa sheegay, in eedaymaha ku qoran warbixinta wargeyska New York Times ee dowladda Qatar la xiriirinaya, qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso iyo dilkii loo geystay madaxii shirkadda P&O Ports ee hoostagta DP World Paul Anthony Formousa, ay yihiin kuwa sax ah, islamarkaana u baahan in baaritaan dhab ah lagu sameeyo, si xaqiiqadeeda u dambaysa loo gaaro.

waxaan qirayaa oo ku kalsoonahay in warkaa ay sheegtay uu yahay war xaqiiqo ah, waxaan ka codsanayaa Golayaasha Baarlamanka ee Aqalka sare iyo Aqalka hoose iyo xukuumadda Soomaaliya, in arrintaasi baaritaan dhab ah laga sameeyo. Ma oronaayo waa xaqiiqadii u dambaysay, laakiin waxay aburutay tuhun dadka qaarkiis ay qabeen” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmay, maalin kadib markii wargeyska New York Times ee ka soo baxa waddanka Maraykanka, uu daabacay warbixin ka hadlaysa saamaynta loolllanka waddamada Khaliijka iyo dalka Qatar uu ku yeeshay gudaha Soomaaliya, gaar ahaanna dhinaca xasiloonida iyo amniga.

Warbixinta ayaa lagu soo daray sheeko uu wargeysku dhegaystay oo dhexmaray safiirka Qatar u jooga Soomaaliya iyo ganacsade u dhashay isla dalkaasi oo ka sheekaysanaya qaraxyo iyo dilal ay Boosaaso ka geysteen kooxo fulinaya danaha waddanka Qatar, si Imaaraadku uga cararo halkaasi, balse dowladda Qatar ayaa beenisay eedaymahaasi ku xusan warbixinta.

Halkaan hoose ka daawo hadalka madaxweyne Deni

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo dowladda Qatar ku eedeeyay qaraxyada ka dhaca magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this