Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddigii dhismaha wadada Boosaaso oo xabsiga laga sii daayay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa maanta xorriyaddooda dib ugu celisay afar xubnood oo ka tirsan guddiga dib u-dhiska wadada bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Saddex xubnood oo guddiga ka tirsan ayaa Khamiistii hore xabsiga la dhigay kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka guddoomeen lacag deeq ah oo aan soo marin nidaamka Maaliyadda Puntland taasi oo dowladda Federaalku ugu deeqday dib–dhiska wadada bartamaha Boosaaso.

Sidoo kale guddoomiyaha guddiga dib-u-dhiska wadada bartamaha Boosaaso Sheikh Maxamed Macallin Axmed ayaa isna xabsiga la dhigay laba maalmood ka hor isagoo ka soo laabtay safar uu puntland uga maqnaa.

Xubnaha la xiray oo dhammaantood duhurnimadii maanta la horgeeyay maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ayaa xorriyadooda dib loogu celiyay kadib markii sida la sheegay wax dembiya lagu waayay.

PUNTLAND POST

The post Guddigii dhismaha wadada Boosaaso oo xabsiga laga sii daayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this