Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo ka hadashay dib-u-heshiisiinta Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Saaxiibadda beesha caalamka ayaa waxa ay war qoraal ah ka soo saareen socdaalkii ay shalay ku tageen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Intii ay joogeen magaalada, waxay la kulmeen ra’iisul wasaare Khayre oo uga xog-warramay dadaaladda ku aadan dhismaha Galmudug iyo dib u heshiisiinta.

Ugu horreyn, xubnaha beesha caalamka ayaa boggaadiyey warbixinta mirodhalka ah oo ay ka heleen wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayey ku sheegeen in ay rajo wanaagsan ka qabaan in mustaqbalka dhow uu qabsoomo shirka dib u heshiisiinta Galmudug.

Shirkaasi kadib, doorashadda ayey hoosta ka xariiqeen in ay filayaa in ay noqoto mid si xor iyo xalaal ah lagu soo doorto hogaamiyeyaasha cusub.

“Taasi waxay horseedeysaa in la helo dowlad oo leh maamul mideysan oo ka shaqeeya rabitaanka muwaadiniinta,” ayay ku yiraadeen qoraalkooda.

Ugu dambeyntii waxay shacabka iyo madaxda Galmudug uga mahadceliyeen sida diiran ee loogu soo dhaweeyay magaalada madaxda mamulkaasi ee Dhuusamareeb

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this