Deeq A. Posted July 23, 2019 Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay garoonka diyaaradaha ee degmadaasi. Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka, Al-shabaab ayaa weerar waxay kusoo qaadeen ciidanka halkaasi ku sugan, hase ahaatee waxa ay la kulmeen iska caabin aad u xooggan. Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo uu socday ku dhowaad Hal saac. Ciidamada ammaanka ee ku sugan degmada Buulo-burde ayaa lagu soo waramayaa in ay howlgal ballaaran ka wadaan degmadaasi iyo nawaaxigeeda. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites