Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Faah Faahin Ku Saabsan Sababta Loo Xiray Xubnaha Guddiga Dhismaha Wadada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, ayaa faah faahin ka bixiyey sababta loo xirey xubnaha guddiga dhismaha wadada bartamaha ee magaalada Boosaaso.

C/salaan Bashir, guddoomiyaha magaalada Boosaaso ayaa sheegay in sababta loo xiray ay tahay arrimo ku aaddan lacago uga yimid dhanka dowladda federaalka ah.

Wuxuu sheegay in dowladda lacago aan soo marin nidaamka maamulka Puntland ay si toos ah ugu soo dhacday xiisaabaadka guddiga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay iney xiriir la sameeyeen guddigii shaqada gacanta ku hayey oo ay ka codsadeen in lacagtaasi aan la isticmaalin oo si qaldan ku timid, islamarkaana dib loo celiyo, balse ay ka dhego adeegeen.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/07/Guddoomiyaha-degmada-Boosaaso.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this