Deeq A. Posted July 23, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabo iyo soo dhaweyn loogu jiro wafdigan ka socda dowladda Soomaaliya ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaasi Sida ay ogaatay Caasimada Online Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa Baydhabo u tagaya, sidii uu uga daah-furi lahaa shir ku suaabsan arrimaha Gargaarka. Sidoo kale waxaa la filayaa Khadar iyo xubnaha la socda in kulamo gaar gaar ah Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay kula qaataan mas’uuliyiinta maamulkaasi. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, iyadoo ciidamo dheeraad ah lagu soo daadiyey waddooyinka magaalada Baydhano ee xarunta gobolka Baay. Socdaalkan uu magaalada Muqdisho uga baxayo Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ku soo aadaya, xilli haatan muddo bil ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kahyre uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites