Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay Buulo-burte

Recommended Posts

Deeq A.   

Buulo-burte (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey Ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Jabuuti iyo Al-Shabaab oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay degmada Buulo-burte gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin agagaarka garoonka diyaaradaha ee degmadaasi.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmniga ah ee ka dhashay weerarkaasi iyo dagaalka xigay intaba.

Dhanka kale war ka soo baxay Al-Shabaab oo lagu baahiyey boggagooda Internet-ka ayaa waxa ay guullo uga sheegteen dagaalkaasi.

Al-Shabaab ayaa shaaciyey in halkaasi ay ku dileen 2 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda, sida ay hadalka u dhigeen.

Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this