Sign in to follow this  
Deeq A.

Sabriye oo guddoomiyey shir ka dhacay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha, dib-u-heshiisiinta iyo federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa  guddoomiyay shir dhex maray Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo qaar kamid ah safiirrada Beesha caalamka u jooga Soomaaliya ee shalay Magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmdug, Prof. Cabdiraxmaan Baaddiyoow , oo ka war bixiyay kulanka ayaa sheegay in kulanla looga hadlay hannaanka ay u socdaan qorshaha dib-u-heshiisiinta ay wadaan.

Wakiillada Qarmada Midoobay, midawga Afrika iyo IGAD, iyo safiirrada Midawga Yurub, Qatar, Turkiga, Ethiopia, Talyaaniga, Norway iyo Kenya ee saldhiggoodu yahay Muqdisho ayaa Guddiga ku bogaadiyay dedaalka ballaaran ee ay ugu jireen isu keenidda reer Galmudug, si loogu diyaar garoobo dhismaha ay ku mudeysan yihiin reer Galmudug.

Dhowaan ayaa wasaaradda arrimaha gudaha XFS oo gudaneysa waajibaadkeeda shaqo waxay u Magacaawday Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo ka kooban 12 xubood.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

FB_IMG_1563812714903.jpgFB_IMG_1563815618925.jpgFB_IMG_1563815621349-1.jpgFB_IMG_1563815623874.jpgFB_IMG_1563815626290.jpgFB_IMG_1563815628534.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this