Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in mooshin laga gudbiyay madaxweynaha Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar xalay lagu faafiyay baraha bulshada, ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Baarlamanka Puntland ay mooshin ka gudbiyeen madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo sida la sheegay ay ku eedeeyeen fashil-hoggaamineeed.

Haddaba, Warbaahinta Puntland Post oo saaka xiriiro kala duwan la samaysay dhincyada warkani khuseeyo, ayaa xaqiijisay in aysan jirin xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka oo mooshin ka gudbiyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo xukuumaddiisa midna.

Wararka la xiriira in mooshin laga gudbiyay madaxweyne Deni, ayaa si weyn saaka looga hadal-haya goobaha lagu sheekaysto ee meheradaha iyo hoteellada ku yaallla magaalada Garoowe, iyadoo ay jaah-wareer kala kulmeen bulshadu sax ahaanshaha wararkaasi.

Arrintan ayaa ku soo beegmatay maalin kadib, markii sidaan oo kale magaalada Gaalkacyo lagu faafiyay warar jaah-wareer dhaliyay oo ku aaddanaa in dowladdu ciidamo u dirtay degmada Gaalkacyo, si ay soo qa-qabtan Guddiga dhismaha garoonka ciyaaraha Cawaale.

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka jira in mooshin laga gudbiyay madaxweynaha Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this