Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii hore ee amniga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda amniga, haatana ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo la hadlayey warbaahinta ayaa eedeyn kulul u jeediyey madaxda dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in habacsanaan baahsan ay jirto, islamarkaana dhagax meel la dhigo kaliya aan lagu sugi karin amniga magaalada Muqdisho.

Wuxuu ku eedeeyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in aysan weli la imaan qorshe gaar ah lagu sugayo ammaanka guud ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu ayaan darro ku tilmaamay tallaabadii lagu burburiyey hay’adda NISA oo uu xusay inay ka hortagi jirtay weerarada ka dhaca Muqdisho.

Ugu dambeyn waxa uu is weydiiyey, sida ay ku timid in la fashiliyo qarax sababay dhimashada 17 qof, kaas oo shalay ka dhacay gudaha Caasimada.

War ka soo baxay taliska Booliska, gaar ahaan taliye ku xigeenka ayaa lagu sheegay in ciidadamdu ay ka hortageen qaraxaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab.

Dadka dhintay iyo kuwa kuwa dhaawacmay ayaa isgu jiray askar iyo shacab intaba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this