Deeq A. Posted July 22, 2019 Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah Howgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa la sheegay in dad shacab ahaa ay ku laayeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya. Korneel Aadan Rufle oo ka mid ah saraakiisha ciidamadda Dowladda Soomaaliya oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadda Kenya bishaan gudaheeda ay dileen 52-ruux oo shacab ahaa. Waxa uu sheegay in dadka la laayay ay isugu jireen ganacsato iyo dad shacab ahaa, kuwaasi oo kenyaanka ay ku eedeeyeen in ay kasoo horjeedeen maamulkooda, iyo dhul balaarsiga ay ka wadaan gobolka. Rufle ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Kenya ay qaraxyo dhulka ay galiyeen ay ku qarxiyeen gawaari dad shacab ah ay lahaayeen, kuwaasi oo waxyeelo geystay. Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya uu shalay shaaca ka qaaday in Ciidamo Kenyan ah ay dileen dad shacab ahaa oo gaari la socday, kadibna ay gubeen. Tirada dadka ciidanka Kenya ay tacadiga u geysteen waxa ay ahaayeen 8-ruux kuwaas oo ku safrayay meel 10KM u jirta Deegaanka Raaskaambooni. Ciidamada oo socday waxaa kahor tagay gaariga ay saarnaayeen dadka shacabka, iyaga oo rasaas ku furay, kadibna gubay dadkii dhintay. Hoos ka dhageyso Korneyl Aadan Rufle https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/DADKA-LAGU-LAYEY-JUBADDA-HOOSE-2.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites