Sign in to follow this  
Deeq A.

Mac’hadka Heritage oo Garoowe ku qabtay dood-cilmiyeed ku saabsan hannaanka doorashooyinka ee Soomaaliya 2020/2021

Recommended Posts

Deeq A.   

Dood Cilmiyeed lagu magacaabo “BaadiGoob” oo ku saabsan diraasaysan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021, uuna soo qaban-qaabiyay Mac’hadka Diraasadda Siyaasadda ee Heritage institute, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Dood Cilmiyeedka waxaa ka qeyb-galay, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland, Dalladda Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA, Xarunta Cilmi-baarista Puntland ee PDRC, Cilmi-baarayaal, aqoonyahanno, siyaasiyiin iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Intii ay socotay dood cilmiyeedku, ayaa ka qeyb-galayaashu ka doodeen hannaanka doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021 sidii looga bixi lahaa nidaamka Qabaliga ah ee 4.5 iyo sidii loo gaari lahaa doorasho qof iyo cod ah, iyadoo halkaasi su’aalo lagu weydiiyay ay kaga jawaabeen cilmi-baarayaasha Mac’hadka Heritage.

Madaxa Mac’hadka Diraasadda Siyaasadda ee Heritage Cabdirashiid Khaliif Xaashi oo ka warbixiyay dood cilmiyeedka ay Garoowe ku qabteen, ayaa sheegay in dood cilmiyeedkan ay qeyb-ka tahay diraasad ay wadeen mudda hal sano ah oo nuxurkeedu yahay, soo bandhigista fursadaha iyo caqabadaha horyaalla doorashooyinka Soomaaliya ee 2020/2021.

Guddoomiyaha Dalladda Daneeyaasha aan dowliga ahayn ee PUNSAA, Faysal Axmed Warsame (Faysal Qaran) oo isnka kulanka ka hadlay, ayaa soo dhoweeyay dood cilmiyeedkan uu soo agaasimay Mac’hadka Diraasadda Siyaasadda ee Heritage oo uu sheegay in ay aad muhiim ugu tahay geeddi-socodka hannaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha wakiilada Puntland, Ismaaciil Maxamed warsame iyo siyaasi Cali Xaaji Warsame oo kulanka ka hadlay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga gudbo doorashooyinka nidaamka Qabaliga ah ee 4.5 oo ay ku tilmaameen mid eex iyo musuq maasuq ku dhisan.

Halkaan ka daawo Barnaamijka oo dhammaystiran iyo sawirada

  • IMG-20190722-WA0000.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190722-WA0001.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190722-WA0002.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190722-WA0003.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190722-WA0004.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190722-WA0005.jpg?w=1000&ssl=1
  • IMG-20190722-WA0006.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Mac’hadka Heritage oo Garoowe ku qabtay dood-cilmiyeed ku saabsan hannaanka doorashooyinka ee Soomaaliya 2020/2021 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this