Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: R/W Khayre oo soo afjaray ciidamadii Ahlu-Sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb tababar looga furay ciidamo dhawaan la qarameeyay oo ay kamid yihiin ciidamadii daacadda u ahaa maamulkii Ahlu-Sunna ee goballada dhexe oo ahaa garabkii ugu xoogganaa ee heysta hub ay si gaar ah u maamulaan.

Ciidamadaan tababarka loo furay ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu xoreynayo deegaannada Galmudug, si maamulka loo dhisayo loo gaarsiiyo dhammaan deegaannada Galmudug oo dhan.

Kooxda Ahlu Sunna ee ciidankooda lagu qaremeeyay heshiis ay dowladda la geleen, waxa ay horay heshiisyo ula galeen dowladihii ay madaxda ka ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, hase yeeshee heshiis kasta oo dhaca, waxa ay kasii wada jireen howshooda gaarka ah, mana u fulin jirin sida loo qorsheeyay, mana jirin daba-gal, isla xisaabtan ka dambeeya.

Dhuusamareeb oo ah xaruntii ugu wayneed ee Ahlu Sunna saldhigga u aheyd oo 29 maalin ka hor uu ka degay Xasan Cali Khayre, hadda waxaa ka howl gala oo ammaankeeda si buuxda u suga ciidamada dowladda, waxaana gacantooda laga saaray ciidamadii daacadda u ahaa wadaadada hoggaamiya Ahlu Sunna.

Magaalada Dhuusamareeb hadda waxaa taalla gogosha dib-u-heshiineed oo Galmudug leesugu keenayo, waxaana xiga doorasho lagu qaban doono oo lagu soo dooranayo baarlamaan iyo madaxweyne bedela maamulka waqtigiisu dhammaaday July 04, 2019.

Marka la isku geeyo dhammaan dhacdooyinkaan silsiladda ah waxay maanta si rasmi ah usoo geba gebeeyeen ciidamadii Ahlu-Sunna oo noqday ciidamo qaran.

WhatsApp_Image_2019-07-22_at_15.38.30.jp WhatsApp_Image_2019-07-22_at_15.38.30__1 WhatsApp_Image_2019-07-22_at_15.38.32.jp WhatsApp_Image_2019-07-22_at_15.38.32__1 WhatsApp_Image_2019-07-22_at_15.38.33.jp WhatsApp_Image_2019-07-22_at_15.38.33__1 WhatsApp_Image_2019-07-22_at_15.58.09.jp

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusomareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this