Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Mudug oo sheegay in khal-khal la geliyay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland Axmed Muuse Nuur Yare oo maanta shir jaraa’id ku qabtay gaalkacyo ayaa gebi ahaanba beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in magaalada Gaalkacyo loo diray ciidamo soo qab-qabta Guddiga dhismaha garoonka ciyaaradaha Cawaale Studium kadib markii guddigaasi ay lacag ka guddoomeen Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Halkaan waxaa laga sameeyay khalaan-khal ah in ciidan soo socdo in dad la xir-xiri doono in dhalinyaradii Cawaale la xiri doono in Guddigii Cawaale la qab-qaban doono” ayuu yiri guddoomiyuhu isagoo sii raaciyay ” saaka xukuumaddii baan la hadlay waar waxaani maxay yihiin baan iri waxba kama jiraan baana la i yiri”.

Waxaa kale oo guddoomiyuhu beeniyay in dowladda Puntland ay Guddiga ku amartay in ay celiyaan lacagtii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ku wareejiyay si loogu dhiso garoonka Ciyaaraha Cawaale Studium waxaana uu xusay in wararkaasi ay faafiyeen kuwa doonaya khal-khal gelinta amniga iyo xasiloonida magaalada Boosaaso.

Waxaan caddaynayaa in cid soo socota in aanay jirin cid timidna jirin lacagta Cawaalena aysan ku jirin lacagaha laga soo saaray sharciga ee ay tahay lacag la rabo mashaariicdii loogu tala-galay in lagu fuliyo” ayuu sii raaciyay guddoomiyaha gobolka Mudug.

Halkaan ka daawo shirka jaraa’id

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha gobolka Mudug oo sheegay in khal-khal la geliyay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this