Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo shaacisay halka uu ku socday iyo ujeedka qaraxii maanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday bartilmaameedka qaraxii xoogganaa ee maanta ka dhacay agagaarka Hotel Afrik oo ku yaalla waddada aadda garoonka Muqdisho, meel u dhow KM4.

War ay baahiyeen warbaahinta Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in ujeedka qaraxa uu ahaa koontaroolka laga ilaaliyo gegida diyuuradaha ee Muqdisho, kaas oo ay maamulaan ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya.

Al-Shababa ayaa sheegtay in xilliga uu qaraxu dhacayay koontaroolka lagu hubinayey gawaari kuwa aan xabada karin ah oo ay wateen mas’uuliyiin iyo saraakiil sare sare, islamarkaana ay waxyeello xooggan soo gaartay qaar ka mid ah gawaaridaas iyo ciidamadii ilaalinayey. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashadan.

Kontoroolka la beegsaday ayaa laga ilaaliyaa xarumaha hay’adaha shisheeye ee ku yaalla aagga garoonka, sida ay sheegtay Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in qaraxa ay ku burburiyeen gabi ahaanba koontaroolka.
Ugu yarana 17 qof ayaa ku dhimatay, 28 kalena way ku dhaawacmeen qaraxa oo aad u xoogganaa, sida uu sheegay agaasimaha cisbitalaka Medina, Dr Maxamed Yuusuf oo la hadlay VOA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this