Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 30 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 17 ruux ayaa ku dhintay in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen qarax culus oo barqanimadii saaka ka dhacay aga’gaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari miinaysan ayaa lagu dhuftay goob gaadiidka lagu baaro oo ku dhow Hotel AFrika isgoyska KM4 halkaasi oo xilliga qaraxu dhacay lagu baarayay gawaari kala duwan sida ay warbaahintu sheegtay.

Khasaaraha ugu badan ee qaraxaasi ayaa sida la sheegayo gaaray gaadiid ay saarnaayeen dad shacab ah oo saf ugu jiray baaritaan ay ciidamada Amnigu ka wadeen halkaasi waxaa sidoo kale khasaaruhu gaaray shacab kale oo ka agdhowa goobta qaraxa.

Qaraxan oo ahaa kii ugu cuslaa ee todobaadyadan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmay xilli jidad badan oo magaalada ku yaalla la xiray islamarkaana ay ciidamadu baaritaanno dheeriya ka wadaan gudaha magaalada.

PUNTLAND POST

The post In ka badan 30 ruux oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxii Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this