Sign in to follow this  
Deeq A.

Khayre iyo wakiillada beesha caalamka oo ka wada hadlay arrimo xasaasi ah + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Duusamareeb (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarah  Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan xasaasi ah gudaha magaalada Dhuusamareeb kula qaatay safiirada dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika iyo midka Urur goboleedka IGAD .

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray xaaladda maamulka Galmudug oo dhawaan galaya dib u heshiisiin iyo doorasho.

Ra’iisul wasaare Khaye ayaa xubnaha beesha caalamka uga warbixiyey heerarka kala duwan ee ay soo mareen dadaallada lagu dhisayo Galmudug oo mideysan.

Sidoo kale Khayre ayaa ka dalbaday safiirada iyo wakiillada inay kordhiyaan taageeradooda iyo garab istaagga Soomaaliya.

Dhankooda xubnaha ka socda dalalka beesha caalamka ee ka qeyb galay shirka ayaa ku bogaadiyey xukuumadda federaalka Soomaaliya dadaallada dib u dhiska ee ay ka wado gudaha dowlad goboleedka Galmudug.

Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah wasiiradiisa ayaa muddo bil ah ku sugan deegaanada Galmudug.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

44.jpeg5-1.jpeg 1-1.jpeg 2-2.jpeg 3-1.jpeg

Halkaan ka daawo Mursal oo ku kacay Farmaajo iyo Kheyre 

Caasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this