Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gacanta lagu soo dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Jamaame (SMN) – Howlgallo ay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Jubbadda Hoose ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen saddex qof oo looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 11-aad qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Maxamed Xasan Badal oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Saddexdaan qof ay saarnaayeen gaari BL ah oo ku wajahnaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamulka Jubbaland.

Taliyaha ayaa tilmaamay in ay heleen xog ku aadan saddexdaan qof ee la tuhmaayo inay ka tirsanm yihiin Al-Shabaab, kadibna ay gaariga kala degeen.

Sidoo kale taliyaha wuxuu sheegay in raggani ay la soo qabteen qalab ay wateen, ayna ku wareejiyeen laamaha amniga si baaritaanno dheeraad ah loogu sameeyo.

Ciidamad dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii dambe sare u qaaday dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan gobollada Jubbooyinka ee K/ Soomaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this