Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo beenisay in dad kale ay xir xireyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa beeniyey in Puntland ay amar ku bixisay in la soo xiro  xubnaha gudiga dhismaha ka wada garoonka kubadda cagta Cawaale oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolkaasi.

Guddoomiyaha ayaa been abuur ku tilmaamay warar lagu baahiyey baraha bulshada oo lagu sheegay in baaritaano ay ku socdaan guddigaas oo dhawaan lacag kala wareegay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasal Cali Khayre.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray in ciidamo dheeraad ah la geeyey gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Axmed Muuse Nuur ayaa intaasi ku daray in warkani ay faafiyeen dad yar oo dano gaar ah ka leh arrintaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dowlad goboleedkaa Puntland ay xabsiga dhigtay xubno uu ku jiro guddoomiyaha guddiga dhismaha Waddada Boosaaso oo dhawaan lacag kala wareegay dowladd federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xariga xubnahaasi ayaa ugu baaqay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi (Deni) in si deg deg ah loo sii daayo dadkaasi, inkastoo illaa hadda aysan Puntland jawaabin ka bixin baaqaasi.

Dhiacakale Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ayaa maanta isku geedaamay dhismaha bankiga iyo xarumo kale oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Ciidamadani oo ahaa kuwa  goodsan ayaa ka cabanayay Mushaar la’aan heysata in muddo ah.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamada hadda laga qaaday halkaasi, kadib dadaallo ay sameeyeen waxgaradka deegaanka.

Cabashada ciidankaPuntland ayaa soo jiitameysay, tan iyo xukuumadii Gaas, kuwaas oo marar badan gadood ka sameeyey deegaanada maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this