Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war ka soo saartay qaraxii Muqdisho iyo Al-Shabaab oo sheegatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimada Online) Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay agagarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa wuxuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay afaafka hore bar koontarool oo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin waddada aada dhanka garoonka diyaaradaha ee Aada Cadde.

In ka badan 15 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jira askar iyo dad rayid ah oo ku sugnaa meesha uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale qarxa ayaa burburiyey dhismayaal ganacsi oo ka agdhawaan halkaasi.

War ka soo baxay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in baabuurka qarxay nuuciisu uu ahaa TOYOTA NOAH .

Qoraalkan oo lagu dabaacay bogga Facebook-ga ee taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiyo Xuseen Axmed ayaa lagu sheegay in weerarkaasi qaraxa loo adeegsaday ay ku dhinteen dad isugu jira askar iyo shacab, inkastoo aan warkan lagu shaacin tiradooda.

“Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayey Ciidanka amniga ka hortageen baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint ku yaalla KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.” ayaa lagu yiri qoraalka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dhanka kale Al-Shabaab ayaa dhabarka u ritay masuuliyadda qaraxan, waxaana ay sheegeen in bartilmaameedku ahaa koontaroolka ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in dhimasho iyo dhaawac ay ku gaarsiyeen ciidamadii ku sugnaa halkaasi, sida ay hadalka u dhigeen.

Muddooyinkii la soo dhaafay Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada iyo dilalka ay ka geystaan gudaha magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this