Deeq A. Posted July 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax barqanimadii maanta ka dhacay afaafka hore bar koontarool oo ku taalla waddada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari nuuca raaxada ah oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay halkaasi. In ka badan 10 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale, kuwaas oo isugu jira shacab iyo askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Xilliga uu qaraxu dhacayay ayaa waxaa la sheegay in goobta ay aheyd mid aad u mashquul badan, waxaana baaritaan dheer uu ka socday koontarool ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale dab ka dhashay qaraxa ayaa qabsaday Kaalin Shidaal iyo dhismayaal u badan ganacsi, kuwaas oo uu bur bur xoogan ka soo gaaray weerarkaasi. War ka soo baxay taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si kooban looga hadlay qaraxaasi. Qoraalkan oo ay barteeda Facebook-ga soo dhigtay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Zakiyo Xuseen Axmed ayaa lagu sheegay in gaariga qarxay uu ahaa Toyota Noah, islamarkaana uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. “Abbaarihii 10:40 subaxnimo ayey Ciidanka amniga ka hortageen baabuur noocisa yahay TOYOTA NOAH oo doonaayay inuu xoog ku maro checkpoint ku yaalla KM4 halkaas oo uu ku qarxay. Waxaa qaraxaas ku dhintay askar iyo dad shacab ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.” Ayaa lagu yiri warka soo baxay taliska Booliska Soomaaliyeed. Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka. Al-Shabaab ayaa shaaciyey in bartilmaameedkoodu uu ahaa koontaroolka ciidamada dowladda ay ku leeyihiin nawaaxiga Lambar Afar, islamarkaana ay ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen. View the full article Share this post Link to post Share on other sites