Sign in to follow this  
Deeq A.

Xulka Qaranka 15-Jirada Oo lagu Xareeyay Garoonka Jamaacadaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Xiriirka kubbadda cagta dalka ayaa xerada farsamada garoonka Jaamacadaha ku xareeyay dhallinyarada 15-jirada ee matalaysa xulka qaranka kuwaas oo ka qeybgalaya tartanka bariga iyo baratamaha Afrika ee Cecafa.

00243.MTS_.00_00_01_15.Still002-1024x576
Guddoomiyaha dhallinyarada xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Xirse Maxamamuud ayaa ciyaartooyda kula dardaarmay in ilaaliyaan aqlaaqdoda taasina ay tahay mid ay kaliya guul ku garaan.

Sequence-41.00_00_06_07.Still010.00_00_0
Da’yarta 15-jirada ee markii ugu horeeyay matalaya xulkeena ayaa loo diyaaray goobo wanaagsan ay seexaadaan waalidiinta qaar oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in ay ugu faraxsanyihiin goobaha loo diyaariyay caruurtooda marka laga eego qolalka jiifka heerka cunada iyo xerada tababarka ee isla garoonka.

00-1024x768.jpg

Madaxa suuqa geeynta xiriika Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdi Cusmaan Daameey ayaa sheegay in ay dhallinyaradan ay helayaaan fursado aysan helin kuwii iyaga ka horeeyay ka xariir ahaan ay si dhaw ula socondoonaan waxqabadkooda maadaam ay dhawaan tartanka bariga iyo bartamaha u aadayaan dalka Eritrea.

Sequence-41.00_00_06_07.Still010.00_00_0

Qaar ka mid ah xirfadlayaasha laga soo xulay tartanka Iskuulada 2019 nasiibna u yeeshay diyaargarowka xulka qaranka ee ka qeybgalka tartamada kusoo wajahan ayaa inoo sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed usoo hooydoonaan guulo waaweyn sida ay sanadkii lasoo dhaafay sameeyay dhallinyarad 17-jirada ee kaalinta 2-aad ka galay tartanka iyo bariga iyo baratamaha Afrika 2018 ee ka dhacay dalka Burundi.

Sequence-41.00_00_06_07.Still010.00_00_0

Cabdisamad Sheekh Caasim oo ah madaxa farsamada xiriirka kubbadda cagta dalka ahna gudoomiye ku xigeenka dhallinyarada ayaa ciyaartooyda da’yarta kula dardaarmay in ay la yimaadaan ciyaar ku dheehan asluub wanaag,taasina ay qeyb ka tahay wax laga rabo in dhallinyaradan xooga saaraan. Sequence-41.00_00_06_07.Still010.00_00_0

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubbadda cagta Cali Cabdi Cali (Shiine) ayaa ciyaartooydan ku dhiirii geliyay in ay si wanaagsan u qaataan casharada ay siinayaan macallimiintooda maadaam markii 1-aad ay fursad u helayaan in ay matalaan dalkooda Soomaaliya.
8-1024x768.jpg

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Xulka Qaranka 15-Jirada Ee Lagu Xareeyay Jamaacadaha

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this