Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda sare ee Puntland oo muddaysay dhegaysiga Kiiskii Caa’isha Ilyaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda sare ee dowladda Puntland ayaa muddaysay dhegaysiga dacwadda loo haysto saddex nin oo ku eedaysan kiiska kufsigii iyo dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay gabadhii yared ee Caa’isha Ilyaas Aadan.

Qoraal saaka ka soo baxay kusimaha guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland Nuur Ciise Maxamed ayaa lagu shaaciyay in maalinta Sabtida ah ee ku beegan 17-Agoosto 2019 ay maxkamaddu dhegaysan doonto gar-maqalka dacwadda loo haysto saddexda eedaysane.

Eeedaysanayaasha oo kala ah Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame Cabdishakuur Maxamed Dige iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame ayaa hore Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal waxay ku ridday xukun dil ah kaasi oo Maxkamadda Rafcaanka gobolka Nugaalna ay ku raacday.

Balse mar kale ayay rafcaan u qaateen Maxkamadda Sare ee dowladda Puntland oo ah heerka ugu sarreeya ee hay’adaha Garsoorka waxaana haatan laga war sugayaa dhegaysiga dacwaddasi.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka

MAXKAMAD.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda sare ee Puntland oo muddaysay dhegaysiga Kiiskii Caa’isha Ilyaas appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this