Deeq A. Posted July 22, 2019 Muqdisho (SMN) – Sida ay ogaatay caasimada Online taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Kenya General Walter Raria ayaa dhawaan booqasho dhuumaaleysi ah ku yimid gudaha Soomaaliya. Socdaalkan oo aan horay loo sii shaacin wuxuu taliyuhu ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Sidoo kale taliyaha ayaa booqday xarumo Milatari oo ciidamada Kenya ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland. Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in jeedka safarka taliyaha uu ahaa mid dhiirogelin ah, islamarkaana uu waayo-aragnimadiisa la wadaagayey ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya. Warkan laguma shaacin goorta uu taliye Walter Raria yimid gudaha Soomaaliya. Booqashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli dhawaan la filayo in doorashada guud ee Jubbaland ay ka dhacdo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. Kenya ayaa la sheegayaa inuu xiriir dhow kala dhexeeyo maamulka Axmed Madoobe oo hadda wajahaya culeys uga imaanayo dowladda Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites