Deeq A. Posted July 22, 2019 Mudisho (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo ku qarxay ilinka hore ee hoteel Afriik oo ku yaalla halkaasi. Sidoo kale waxaa goobtaasi ka agdhow barkoontarool oo lagu baaro gaadiidka aada dhinaca garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Khasaare kala duwan ayaa jira, balse waxaa haatan socda gurmad ay fidinayaan gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Ambalaasta. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray goobta, kuwaas oo isku geedaamay halka uu qaraxu ka dhacay. Radioshabelle.com kala soco wixii soo kordha. View the full article Share this post Link to post Share on other sites