Deeq A. Posted July 22, 2019 Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay nawaaxiga isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan goob lagu baaro gaadiidka aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Sida ay xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah, gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, ayaa lagu weeraray halkaasi, waxaana jira khasaare kala duwan oo qaraxan ka dhashay. Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa halkaasi ku qul-qulaya, si ay usoo qaadaan dadka waxyeelladu soo gaartay. Si rasmi ah weli looma oga khasaaraha qaraxan uu geystay inta uu la egtahay, iyadoo la maqlayo rasaas ay ridayaan ciidamada ammaanka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites