Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubbaland oo amarkii Al-Shabaab dul-saartay mid kale + Dhageyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Maamulka gobolka Gedo ee dolwad goboleedka Jubbaland ayaa digniin adag u diray ergada soo dooratay Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Garbahaarey Aadan Siraad Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aysan aqbali in amarada Al-Shabaab ay ka shaqeeyaan degmadaasi iyo guud ahaan gobolka Gedo.

Siraad ayaa tilmaamay in Ergada soo dooratay baarlamanaka ama cidkasta oo fulisa awaamiirta Al-Shabaab ay ka qaadi doonaan tallaabo adag oo waafasan sharciga.

Sidoo kale wuxuu carabka ku duftay in Al-Shabaab uu dagaal kala dhexeeyo, islamarkaana ay iska qaban doonaan qof kasta oo la macaamisho, sida uu hadalka u dhigay.

Amarka cusub ee ka soo baxay Jubbaland, gaar ahaan maamulka degmada Garbahaarey ayaa wal waal ku sii ridaya Ergadii soo xushay Xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliy, iyo kuwa maamul goboleedyada .

Odayaashan ayaa waxaa horay amar culus u dul-dhigay Xooggaga Al-Shabaab oo u qabtay muddo 45 cisho in ay ku yimaadaan deegaanada ay maamulaan.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Gedo.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this