Deeq A. Posted July 22, 2019 Boosaaso (SMN) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay xabsiga dhigay Sheekh Maxamed Macalin Axmed oo ah guddoomiyaha guddiga dhismaha waddada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Guddoomiyaha ayaa la sheegay in loo soo xiray arrin ku aadan inuu ka biyo diiday dib u celinta lacag ay dowladda federaalka ku bixisay dhismaha Waddadaasi. Boosaaso. Puntland ayaa sidoo kale Khamiistii la soo dhaafay xirtay xubno ka tirsanaa guddiga dhismaha Waddada Boosaaso. Arrintan ayaa salka ku heysa, kadib markii dhawaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya xubnaha guddigaasi ay ka guddoomeen lacag ay xukuumadda federaalka Soomaaliya uga qeyb qaadaneyso dhismaha ka socdo waddada Boosaaso. Dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xariga xubnahaasi ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Puntland in la sii daayo, islamarkaana uu dib loogu soo celiyo Xorriyadooda, balse weli kama aysan jawaabin baaqaasi madaxda sare ee Puntland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites