Sign in to follow this  
Deeq A.

Wufuud caalami ah oo ku wajahan Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Xubno kala duwan oo ka socda beesha caalamka ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Sida aan wararka ku helnay wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo IGAD ayaa saacadaha soo socda tegi doono magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa ka mid ah wafdiga tagaya halkaasi xubno ka socda dalalka Mareykanka,, Talyaaniga Sweden, Jarmalka, Turkiga, Jabuuti iyo wadama kale.

Ammaanka ayaa si aad ah loo adkeeyey, iyadoo qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta wafdigani laga dareemayo halkaasi.

Ujeedada safarka wafdigan ka socda beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay la xariirto, sidii ay ugu qeyb qadan lahaayeen dib u dhiska  maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah ay la qaataan madaxda maamulkaasi iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Dhawaan ayaa la filayaa in la qabto shirka dib u heshiisiinta iyo doorashada dowlad goboleedka Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this