Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Garbahaarey oo soo saaray digniin culus

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo Aadan Siraad Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa diniin u diray dadka u hoggaansama amarada ka soo baxa Al-Shabaab.

Siraad ayaa sheegay in marnaba aysan aqbali in awaamiirta Al-Shabaab ay ka shaqeeyaan degmadaasi iyo guud ahaan gobolka Gedo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in cidkasta oo la macaamisha ay ka qaadi doonaan tallaabo sharciga waafaqsan, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan Al-Shabaab ay digniin u direen Ergada soo dooratay Xildhibaanada BFS, una qabtay muddo 45 cisho in ay ku yimaadaan deegaanad ar ka arrimyaan ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/07/Gedo-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this