Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag ka tirsan Al-Shabaab oo qaraxyo lagu qabtay + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey inay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo waday qaraxyo iyo miinooyin, kadib howlgallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Taliska qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in 3 ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku soo qabteen howlgalladaasi oo laga fuliyey agagaarka degmada Jamaame ee gobolkaasi.

War ka soo baxay taliskan ayaa lagu sheegay in raggaasi ay la socdeen gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah.

“Taliska guutada 11-aad ee qeybta 43-aad ayaa hawlgallo waxa  ay ka sameeyeen tuulooyin hoos tago Jamaame waxayna Ciidamada gacanta ku soo dhigeen saddex ka mid ah Al-Shabaab oo gaadiidka shacabka saarnaa,qaraxyo iyo miinooyin ay wadeen.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka.

Ma shaacin saraakiisha Milatariga magacyada xubnahaasi, balse waxa ay soo bandhigeen Sawirradooda iyo qaraxyo lagu soo qabtay.

Howlgalka lagu soo qabtay raggan ayaa qeyb ka ah dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab oo ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ay ka wadaan deegaanno ka yirsan gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

66-2.jpg 11-4.jpg 22-5.jpg 33-4.jpg 44-4.jpg 55-4.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this