Deeq A. Posted July 22, 2019 Kismaayo (Caasimada Online) – Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyey inay gacanta ku soo dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab oo waday qaraxyo iyo miinooyin, kadib howlgallo ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Taliska qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in 3 ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku soo qabteen howlgalladaasi oo laga fuliyey agagaarka degmada Jamaame ee gobolkaasi. War ka soo baxay taliskan ayaa lagu sheegay in raggaasi ay la socdeen gaari BL ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah. “Taliska guutada 11-aad ee qeybta 43-aad ayaa hawlgallo waxa ay ka sameeyeen tuulooyin hoos tago Jamaame waxayna Ciidamada gacanta ku soo dhigeen saddex ka mid ah Al-Shabaab oo gaadiidka shacabka saarnaa,qaraxyo iyo miinooyin ay wadeen.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska qeybta 43-aad ee ciidanka Xoogga dalka. Ma shaacin saraakiisha Milatariga magacyada xubnahaasi, balse waxa ay soo bandhigeen Sawirradooda iyo qaraxyo lagu soo qabtay. Howlgalka lagu soo qabtay raggan ayaa qeyb ka ah dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab oo ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM ay ka wadaan deegaanno ka yirsan gobollada Jubbooyinka ee maamulka Jubbaland Halkan hoose ka daawo Sawirrada: Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites