Deeq A. Posted July 22, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xalay kulan gaar ah xarunta Madaxtooyada kula qaatay Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Africa Thabo Mbeki oo hoggaaminaya wafdi sare oo ka socda ururka Midowga Africa. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, is dhexgalka dalalka Africa, iyo guud ahaan amniga gobolka. Madaxweyne Farmaajo ayaawafdiga uga warbixiyey miradhalka dadaallada dib u dhiska dalka iyo caqabadaha haatan heysta Soomaaliy. “Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo oo hadalkiisa siio wata ayaa shaaciyey in dowladdiisu doorka muuqdo ka qaadanayso arrimaha is dhex galka dalka ee dalalka Geeska Afrika Dhinaca kale Thabo Mbeki Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika, haatana ah madaxa guddiga sare ee Latalinta Midowga Afrika ayaa dhankiisa ka hadlay madasha wuxuuna ka sheekeeyey maqaamkii ay Soomaaliya ku laheydn Qaaradda Afrika iyo caalamkaba. “Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.” Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qayb-galay, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites