Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo: Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay madaxtooyada casho sharaf ugu sameeyay madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo wefdigaan uga warbixiyey dedaallada dib u dhiska dalka Soomaaliya iyo caqabadaha la doonayo in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay wadajir uga gudbaan waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay arrintaasi u leedahay amniga Gobolka.

Dagaalka aan kula jirno argagixisada ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.”

Sidoo kale madaxweyne maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalka Soomaaliya ay horseedayso in ay xarun weyn u noqoto diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka.

Dhankiisa madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika haatanna ah madaxa Guddiga Sare ee Latalinta Midowga Afrika Thabo Mbeki ayaa dib u milicsaday sooyaalka dalka Soomaaliya iyo maqaamkii uu ku lahaa Qaaradda Afrika iyo caalamka isaga oo ka sheekeeyey doorkii hormuudnimada ahaa ee Soomaaliya ay ka qaadatay taageeridda dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka dalalka Afrika.

Sharaf ayay ii tahay in aan Muqdisho imaado 45 sanno ka dib. Waxaan halkan joogay 1974, xilligaas Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad mideysan iyo dal xoog leh.”

Munaasabadda casho sharafta oo ahayd ayaa waxaa ka qayb-galay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

  • 1-4.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 2-5.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 3-4.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 4-5.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 5-5.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 6-37.jpg?w=1000&ssl=1
  • 7-5.jpeg?w=1000&ssl=1
  • 8-22.jpg?w=1000&ssl=1
  • 9-4.jpeg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Farmaajo: Wax ka qabashada aragagixisadu waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this