Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye oo bilowday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Waxaa maanta si rasmi ah u bilowday dhismaha waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhismaha waddadan ayaa wuxuu qeyb ka yahay mashruuc dowladda Qatar ay ku dhiseyso waddooyinka magaalada Muqdisho ku xira magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan gobollada Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi ka socday dowladda Qadar oo ay wehliyeen Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa daah furay dhismaha Waddooyinkaas 18-kii Februay sanadkan 2019-ka.

Mashruucan dhismayaasha waddooyinkan ayaa waxaa uu ku kacayaa $200 oo Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this