Deeq A. Posted July 21, 2019 Jowhar (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta kooxo hubeysan dil iyo dhac ay u geysteen dad shacab ah oo saarnaa gaadiid marayay deegaanka Garsaale ee gobalkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in hal qof ay dileen kooxahaasi, sidoo kalena ay baarteen rakaabkii kale ee la socday gaadiidkaasi. Xiriiro aan la sameynay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan falkaasi. Inta badan waxaa Shabeelaha Dhexe dhibaatooyin ka geysta kooxo burcad ah oo ku sugan waddooyinka gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites