Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo magacaabay Guddi soo diyaariya sharciga doorashooyinka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15341695134205084.jpg?w=1000&ssl=Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan

Guddoomiyaha Baarlamaankla Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta magacaabay Guddi ku-meel gaar ah oo soo diyaarin doona sharciga doorashooyinka Qaranka.

Warqad ka soo baxday xafiiska Guddoomiye Mursal ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo dhamaantood ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabk, waxayna hubin doonaan sida la sheegay sharciga doorashooyinka Qaranka, si uu u noqdo mid raali ka yihiin qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Bishii May 18-keedii  ee sanadkan ayaa Golahah Wasiiradu kulan ay ku yeesheen Muqdsho ku ansixiyeen sharciga doorashooyinka Qaranka, waxaana ansixinta sharcigaas ka hor yimid qaar ka mid dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka.

Guddoomiye Mursal ayaa hadda u muuqda in uu muujinayo awoodiiisa, is aan dhakhso looga ansixin sharcigan Baarlamaanka.

1-46.jpg?w=1000&ssl=1 2-42.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Mursal oo magacaabay Guddi soo diyaariya sharciga doorashooyinka Qaranka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this