Sign in to follow this  
Deeq A.

Haddaad wiiq is lahayd waxmaan noqone

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasadda kaga kojinta (knock out) ee madaxda federaalku ku hayso dawlad goboleedyadu waa mid gaabinaysa rajada dib u dhiska dalka waayo waxay ka soo horjeeddaa taabba galka mu’asasaadka dawladeed.

Dawladina ma taagnaan karto haddaan mu’asasaadkedu (institutions) shaqayn.

Siyaasadda noocaas ahi kama duwana dhaqankii ninkii jarayay laanta uu ku taagnaa.

Waxaad mooddaa in madaxda federaalka hillaac u baxay waxaase hubaal ah inuu ku noqon doono hogol onkod iyo hillaac leh oo aan marna hoorayn.

Wacdaraha adduunka waaya aragnimaa laga kororsadaa. Awood maroorsi laguma waaro oo raandhays ma leh. Ciddii is tiraahda ku cayshna qashin qubka taariikhdaa lagu ridaa oo habaar laga daba tuuraa.

Aawaye keli talisyadii ammaantooda lagu tasbiixsan jiray? Aawaye boqorradii awoodda badnaa? Meeyay gudhmaawe gadhamaawe Xeyla Selaase, aaway Shaahan Shaahii Iiraan, xaggay ku dambeeyeen Mabuuto Seeso Seeko iyo qaar kaloo badani.

Siyaasadda labaatan jirnimada oo talada uga boodaysa sidii geedkii waxay hallayso maahe waxba ma soo kordhinayso waana ragaad dalka lagu sii fogaynayo.

Hadda ka hor baa hantida dalka e loo gudboonaa inta si xun loo adeegsaday la is yiri ku wiiqa Puntland oo qurub qurub u kala qaada waxse kuma noqon lacagihii sida aan waafaqsanayn nidaamka loogu adeegsaday.

Haddana debinno yar yari jillaafayn maayaan haddii ay dadweynaheeda kasbato oo aan looga dheerayn.

Sideedabana xarig xal maaha waa sida cayda oo kale inay cid kugu dirto mooye cidna kaama celiso. Isku duubnida dakaa lagu jiraa oo wax la isaga rabaa

WQ: Aadam Cali

The post Haddaad wiiq is lahayd waxmaan noqone appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this