Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Khayre oo hal qodob shardi uga dhigay horumarinta caasimadda Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo maanta booqasho ku tegay waddada isku xirta Garoonka diyaarada iyo magaalada Dhuusamareeb oo lagu nafiifinayay ololaha Isxilqaan bulshada ayaa amaanay dadaallada bulshada ku nool magaalada ay ugu diyaar garoobayaan marti gelinta shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Bulshada magaalada dhuusamareeb oo ay hor kacayeen maamulka degmada Dhuusamareeb ayaa nafiidin iyo geed ka jarid ka billaabay waddada si bilicda magaalada sare loogu qaado.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in horumarinta caasimadda Galmudug ay ku xirantahay sida bulshada ku nool ay isku xilqaamaan oo mas’uuliyad ay isaga saaraan ayna uga go’antahay in magaaladu gaarto heer ay la tartami karto caasimadaha kale ee dowlad gobaleedyada dalka.

Howsha is-xilqaanka ah ee sare loogu qaadayo bilicda magaalada ayuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in ay astaan u tahay dadaalka wadajira ee reer Dhuusamareeb ugu jiraan soo dhaweynta wufuudda kala duwan ee magaalada u imaaneysa shirweynaha dib-u-heshiisiinta iyo qorshaha dhismaha Galmudug mideysan

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa dhawaan ka furmaya shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug oo loo qabanayo bulshada gobolkaasi.

Halkaan ka daawo muuqaalka iyo sawirada

  • 1-47.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-43.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-42.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-40.jpg?w=1000&ssl=1
  • 5-37.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-36.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Khayre oo hal qodob shardi uga dhigay horumarinta caasimadda Galmudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this